LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

3 talo aad u muhiim ah ka hor inta aad imtixaanka galin


Ma doonaysaa inaad natiijo fiican aad ka hesho imtixaanka  oo aad ka miro dhaliso hadafkaagi waxbarasho haddaba waxan kuu diiyariyey talooyin ku anfacaya oo ku saabsan habka aad imtixaan kasta aad guul kaga gaari karto iyadoo dabcan ay ku xiran tahay qaabka imtixaanka iyo nooca uu yahay. 


KA FAA IIDAYSO WAQTIGA 

 

  • waqtigaaga inaad ka faa’iidaysato waa muhiim Imtixaanka marka uu soo dhawaado waxaa dhacda in ardaygu uu war war badan isku abuuro iskuna daya in uu  wax badan koobo muddo gaaban taa oo ka dhigaysa ardaygu inuu ku fashilmo diyaarinta imtixaanka oo maheli  karo diyaargarow dhamaystiran waqtiga gaaban oo imtixaanka ka harsan awgeed. haddaba si aysan midaas aysan u dhicin waa inaad waqtigaaga aad kaga faa’iidayso waxa ku anfacaya. 




IMTIXAANADI HORE DIB U AKHRISO
 


  • Imtixaanadi hore loo qaaday oo heerkaga ah  inaad bid uga shqayso waxay kaa caawinaysaa inaad fahanto qaabka iyo  istiraatijiyada imtixaanka loo diyaariyo. sidoo kale waxay ka caawinaysa inaad hesho ciwaanada iyo meelaha muhiimka ah ee imtixaanka laga soo diyaariyo aadna ku kadsoomin imtixaanka. 
  • ‘Tijaabo iska qaad’ sida ugu wanaagsan aad akhriska guul uga gaari karto isla markaana wixii aad akhriday aad ku ogaan karto inaad maanka ku hayso waa inaad tijaabo aad iska qaadid.  tijaabo inaad iska qaadid waxaad ku ogaanaysa halka aad ka liidato. 


XOG BADAN URUURI

  • Tani Waa waxa  ugu muhiimsan goobihii ,hababkii imtixaanadi hore loo galey waa inaad soo ogaato
  • Macalinkaaga, Ardayda la kaasho wax walbo aad garan waydo waydii
  • imtixaanadii hore  maado kasta waqtii  lagu qaaday inta uu la'eg yahay waa inaad ogatahay 
  • Raadi  dhibcaha ugu badan imtixaanka qaabka lagu helo haday noqon lahayd inaad farta iska qurxiso, su’aal kasta inaad jawaab ka qorto. 


F/G; Ardayga meelaha ugu badan ee laga eego imtixaanka waa qaab-qoraaledkiisa iyo sida haboon uu jawaabta u qoray. 


UGU DAMBAYN waxaan kugu dhiiri galinayaa in aadan noqon dadka werwera ee maskaxdu ka lunto marka uu imtixaanku u fariisto naftaada daji una sheeg in lagu waydiinayo waxad garanayso oo aad horay usoo baratay ALLAH tala saaro INSHA ALLAH dhamanteen waxaan ALLAH ka baryeyna inuu imtixaanka aduun iyo aakhiro inoo fududeeyo. 

                           W/Q; Abdirisak mire

Post a Comment

1 Comments